MADADAALADA DUURKA AH IYO CAAFIMAADKA

Publisert – Sist oppdatert 24.06.2020
Foto: Eivind Haugstad Kleiven

MADADAALADA DUURKA AH IYO CAAFIMAADKA

  1. U wanaagsan indhaha

Aragga indhaha waxa u wacan iftiinka maalinta, saacado yar oo maalin kasta banaanka loo baxana waxay ka hortagi kartaa in aragga fog xumaado. Aragga waxa loogu talogalay in meel fog lagu eego, waana lagu daalayaa in waqti badan lagu jiro gudaha. Waqti badan oo dibadda la joogaa waxay u wacantahay indhaha.

  1. Difaaca jidhka

Jimicsiga/dhadhaqaaqa jidhku wuxu xoojinayaa difaaca jidhka.

  1. Fiitamiin D

Iftiinka qorraxdu waa meesha ugu muhiimsan ee lagu helo fiitamiin D, oo ka hortagta dhowr cudur. Haddii fiitamiin D-gu ku yaraado, waxa uu qofku dareemi karaa caajis iyo daal, waxaana ka iman kara lafo-burbur, lafo-xanuun iyo murqaha oo awood yaraada..

  1. Dheefshiidka

Jimicsiga jidheed ee joogtada ah waxa uu saamayn wanaagsan ku leeyahay dheefshiidka.

  1. Madax-xanuun

Jimicsiga iyo hawada dibedda ee oo la qaato waxay dawo wanaagsan u yihiin madax-xanuunka.

  1. U wanaagsan wadnaha

Wareegga dhiigga iyo heerka garaaca wadnaha ayaa kor u kaca xataa marka la sameeyo jimicsiga fudud waana wax u wacan wadnaha.

  1. Ka hortagis

Jimicsiga jidhku waxa uu hoos u dhigaa qatarta imaanshaha dhiig-karka wuxuuna ka hortagaa xinjirowga dhiigga, cudurrada murqaha iyo lafaha, cudurrada wadnaha iyo xididaada dhiiga, sonkorowga nooca 2-aad, noocyo ka mid ah kansarka iyo buurnida xad-dhaafka ah..

  1. Yaraynta dhaawacyada

Soo lugaynta duurka iyo bannaanka ha noqoto in lagu socdo jayga ama cawska ayaa u wanaagsan murqaha, dheelitirnaanta iyo isku wadka dhaqdhaqaaqa jidhka. Bedbeddelka tallaabada socodka iyo isticmaalka muruqahu waxay xoojin karaan seedaha waxayna yarayn karaan dhaawaca ka yimaada culayska.

  1. Yaraynta xanuunnada

Jimicsiga jidheed waxa uu yareeyaa xanuunka dhabarka iyo qoorta.

  1. Sanqadh yaraan

Sanqadh yaraanta iyo buuq la`aantu waxay dajiyaan qofka waxaanay ka hortagaan istereska.

  1. Ka hortaga werwerka

Marka aynu u baxno dabeecadda waxa yaraada werwerkeena, waxaana kordha qanacsanaanta. U bixitaanka dabeecadda ayaa ka hortagi kara werwerka iyo niyad-jabka.

  1. Hurdo wanaagsan

Hawada cusub iyo jimicsiga jidheed waxay wanaajiyaan hurdada.

  1. Ku mashquulka hawsha

Waxa qofka u fududaata inuu wax barto iyo inuu wakhti siiyo hawlaha.

  1. Istereska oo yaraada

Nafiska ayaa kordhaya , maskaxdana waxa ka yaraanaya hawsha marka qofku arki wax cagaar ah. Bey’adaha magaaladu waxay mashquulka ku badiyaan maskaxda waxaanay kordhin karaan istereska.

  1. Farxad nololeed oo dheeri ah

Nolosha duurka waxay siinaysa  nolosha farxad dheeri ah. U bixitaanka dabeecaddu waxa laga helaa farxad nololeed oo dheeraad ah.

  1. Guul dareemid

Waa wax fudud in loo baxo dabeecadda waxaanay keenaysa in aynu dareenno guul, oo markaa ay shaqooyinka iyo hawluhu inoo fududaadaan.

  1. Ka hortagga niyad-jabka

Maadaama xilli-sannadeedka qaboobuhu uu yahay xilli dheer oo qorraxdu yartahay waxa muhiimad gaar ah leh in loo baxo hawo cusub iyo iftiinka qorraxda si looga hortago niyad-jabka xilliga qaboobaha.

  1. Qanacsanaan dheeri ah

In maalin kasta loo bixi karo dabeecadda waxa ay muhiim u tahay qanacsanaanta guud.

 

Talooyinka dadka socod-lugeed sameeya xilligan kooronada>>>

Del denne artikkelen